ku saabsan

Waa website aad klala socon karto wararkii ugu dabeeyey iyo dacdooyinka maalin kasta

Saturday, January 13, 2018

Suuuria oo sun adeegsatey

Howlwadeennadad caafimaadka ee ku sugan Bariga magaalada Ghouta ayaa sheegay in lix qof laga daweeyay xannuun aan sidaa u waynayn oo neefsiga la xiriiro, iyadoo aagga uu weerrarka ka dhacay maalin walba cirka laga duqeeyo.
Waxaa lagu soo warramayaa in ay jiraan dad badan oo halkaasi ay dhibaato kasoo gaartay, iyada oo hay'adda Qaramada Midoobay ay sheegtay in afar boqol oo kun oo qof ay wajahayaan xaalad ba'an oo bini'aadamnimo.
Yussuf Ibraahim waa macalin haatan ku nool dhulka hoose ee gurigiisaoo ku yaalla degmada Xarasta, oo ka baxsan magaalada Ghouta.
Waxa uu sheegay inuu la hadalay qaar ka mid ah saaxibadiias uuna weeydiyay sida ay wax u dhceen, waxa ayna u sheegeen in ilaa 50 qof ay waxyeelo kasoo gaarat dhacdadan ayna weli cisbitaalada ku jiraan si loo daaweeyo.
Xukuumadda bashaar al Asad ayaa dhwor jeer beenisay in ay dad rayid ah u adeegsatay suntan gaaska.
Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada Dimishiq ayaa u sheegay BBC-da in aad looga walaacsan yahay dhacadaan ayna khalkhal ku abuurtay dadka.
Qoysas badan oo ku nool Bariga Ghouta ayaa hadda ku nool dhulka hoostiisa si ay uga badbaadaan gantaalada diyaaradaha ee lagu tuurayo magaaladaasi.
Ciidamada dowladda Suuriya waxa ay weeraraan kooxda muucaradka oo mar walba isku dayda inay u dhowaadaan xerooyinka milltariga ee Suuriya.   BBC somali xigasho

No comments:

Post a Comment

Warka cusub

Maxaa ka dhigay qiimaha meherka Soomaalida kan ugu sareeya qoowmiyadaha Bariga Afrika?

Waxaa jira walwal weyn oo laga qabo qiimaha kor u kacaya ee meherka ee gudaha dalka Kenya, balse kororka qiimaha iyo guurka oo qaaliyoobaya...