ku saabsan

Waa website aad klala socon karto wararkii ugu dabeeyey iyo dacdooyinka maalin kasta

Monday, January 15, 2018

Nabad uu Trump hormuud ka yahay "waa hagardaamo cad

Kullan ay yeesheen hoggaaamiyayaasha Falastiiniyiinta wuxuu ka sheegay in uusan aqbali doonin qorshe nabadeed oo Trump uu horkacayo ka dib markii Mareykanka uu Qudus u aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa'iil.
Sidoo kale wuxuu Israa'iil ku eedeeyay in ay soo gebagebeysay heshiiskii Oslo ee 1994tii, kaas oo uu ka bilowday hannaanka nabadda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku caga jugleeyay in uu lacagta kaalmada ah ka jarayo Falastiin haddii wadahadalka nabadda ay diido.
Hadal uu jeediyay horraantii bishan, Mr Trump wuxuu ku adkaystay in aqoonsiga Qudus ay ka dhasheen arrimaha dhabta ah ee la isku khilaafsan yahay ee "miiska wadahadalka ka maqan", loona baahan yahay wadahadal nabadeed oo cusub.
Falastiiniyiinta waxay ku doodayaa in tallaabada Trump ay caddeyn u tahay in Mareykanka uusan dhexdhexaad ka noqon karin geedi socodka nabadda.

Muxuu Cabbas ka sheegay kullanka?

Hoggaamiyayaasha Falastiin waxay leeyihiin kullan laba cisho ah oo ka dhacaya Ramallah, waxayna ka tashanayaan in ay soo saaraan jawaab ku haboon qorshaha Trump ee Qudus.
Madaxweyne Cabbas wuxuu horay u diiday dalabka Trump ee bishii la soo dhaafay, ka dib markii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey uu u codeeyay qaraar ka dhan ah tallaabada Trump ee Qudus uu ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil.
Isagoo la hadlayay dhinacyada Falastiin ee kullanka Ramallah isugu tagay wuxuu yiri: "Heshiiska qarniga waa dharbaaxada qarniga, lamana aqbali doono."
"Waxaan taasi ula jeedaa Oslo; hadda wax Oslo la dhoho ma jiro, Israa'iil ayaa soo afjartay Oslo," ayuu yiri.

Wax cusub ma sheegay Cabbas?

Maamulka Washington ayaa bilihii la soo dhaafay diyaarinayay qorshe nabadeed inkastoo aan la shaacin faafaahinta arrintan.
Axaddii, Mr Cabbas wuxuu soo jeediyay in Falastiiniyiinta la siiyay deegaanka Abu Dis oo ah duleedka Qudus oo la doonayo in ay noqoto caasimadda Mustaqbalka ee Falastiin.
"Maxaad rabi lahayd haddii Qudus la waayi lahaa?" ayuu yiri, sida ay baahisay barta Jerusalem Post. "Ma jeclaan lahayd in aad yeelato dal ay caasimad u tahay Abu Dis".
Ismacil Haniya, oo ah hoggaamiyaha Xamaas wuxuu bishii la soo dhaafay sheegay in uu ogaaday in Mareykanka uu tuulada Abu Dis la doonayo in Falastiin ay u noqoto caasimadda mustaqbalka.
Xamaas waa lagu casuumay kullanka Ralammah, balse way diideen in ay ka qeybgalaan.
                        Qoraalkan waxa iska leh BBC somali

No comments:

Post a Comment

Warka cusub

Maxaa ka dhigay qiimaha meherka Soomaalida kan ugu sareeya qoowmiyadaha Bariga Afrika?

Waxaa jira walwal weyn oo laga qabo qiimaha kor u kacaya ee meherka ee gudaha dalka Kenya, balse kororka qiimaha iyo guurka oo qaaliyoobaya...