Booliiska dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen in weerar la sheegay in la isku dayay in gabadh 11 jir muslimad ah xijaabka looga jaro Maqas uusan weerarkaasi dhicin.
Dhacdada gabadhani ayaa warbaahinta qabsatay toddobaadkii aanu soo dhaafnay ka dib markii ay sheegtay in nin sita Maqas uu inta uu gadaal uga yimid isku dayay in uu Xijaabka ka jaro.
Booliiska magaalada Toronto ayaa imika sheegay in dhacdadani oo ay u arkayeen in ay tahay danbi naceyb ku salaysan aysan gabi ahaanba dhacin.
Dhacdadani ayaa caro ka dhalisay dalkaasi ,iyada oo uu xitaa ra'isul wasaaraha Canada Justin Trudeau, uu walaaciisa ku muujiyay qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay.
Qoraalkan waxa leg BBC somali
No comments:
Post a Comment