ku saabsan

Waa website aad klala socon karto wararkii ugu dabeeyey iyo dacdooyinka maalin kasta

Wednesday, January 24, 2018

MUSHAHARKA HAWLGABAKA EYGA!


Booliiska dalka Ingiriiska ee Nottingham Shire ayaa go’aamiyay in Eyda la shaqaysay Booliiska ee hawlgabka noqda loo qoro mushahar marka ay shaqada ka fadhiistaan.
Mushaharkaasi ayaa lagaga bixin doona adeegyada caafimaadka ka dib markii uu hawlgab noqday. Booliiska ayaa cadeeyay in Ey kasta oo hawlgab noqda la siin doono mushahar dhan 1500 Gini, oo dhiganta $ 2000.  Sababta mushaharkaasi badan loogu qorayo ayaa lagu sababeeyay inay tahay in Eyga loola dhaqmayo sida inuu yahay sarkaal sare. 
Qorshaha Booliska ee Nottinghamshire waa kii u horeeyay ee noociisa ah ee UK  lagu aqoonsado dadaalka Eyda aadka loo tababaray  in la siiiyo mushahar. Eydaasi  oo Boooliiska ka  caawiyay in la soo xidho denbiilayaal hawlo adag oo halis ah fuliyay. Cajiib waa duni kala durugtay!   (emaratalyoum)

No comments:

Post a Comment

Warka cusub

Maxaa ka dhigay qiimaha meherka Soomaalida kan ugu sareeya qoowmiyadaha Bariga Afrika?

Waxaa jira walwal weyn oo laga qabo qiimaha kor u kacaya ee meherka ee gudaha dalka Kenya, balse kororka qiimaha iyo guurka oo qaaliyoobaya...