ku saabsan

Waa website aad klala socon karto wararkii ugu dabeeyey iyo dacdooyinka maalin kasta

Tuesday, January 23, 2018

Telefoonada Aqalka Cad oo lagu duubay cod lagu eedeynayo Dimuquraadiyiinta

Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa badalay codkii ku duubnaa taleefoonada loogu talagalay in ay dadwaynaha soo wacaan.

Telefoonada Aqalka Cad ayaa lagu duubay cod lagu eedeynayo Dimuquraadiyiinta.

Mareykanka ayaa bartamaha kaga jira xiridda howlaha dowladda , taasi oo ka dhigaysa qaar badan oo ka mid ah adeegyadda dowladda shaqaala la'aan.

Balse dadka soo wacay aqalka cad qaybta fariimaha lagu duubo ayaa waxa loo sheegay in Dimuqraadiyiinta ay eeda iska leeyihiin.

Fariintan la duubay ayaa dadka soo wacay waxaa loo sheegayay in wicitanakooda aan laga jawaabi Karin sababtoo ah Dimuqraadiyiinta ayaa lacagihii dowladda u haysta "afduub".

Fariintan la duubay ayaa waxaa lagu xiray teleefoonka loogu talagalay in ay soo wacaan dadwaynaha ra'yigooda dhiibanaya.

"Nasiib daro, kama jawaabi karno wicitaankaaga maanta sababtoo ah Congreska Dimuqraadiyiinta ayaa haysta lacagihii dowladda-oo ay ka mid yihiin lacagihii loogu talagalay ciidamada iyo arrimaha kale ee ammaanka -waxaana afduub loogu haystaa arrimo aan la xiriirin dooda,"waxaa sidaas lagu sheegay fariinta la duubay.               Qoraalkan waxa leg BBC somali

No comments:

Post a Comment

Warka cusub

Maxaa ka dhigay qiimaha meherka Soomaalida kan ugu sareeya qoowmiyadaha Bariga Afrika?

Waxaa jira walwal weyn oo laga qabo qiimaha kor u kacaya ee meherka ee gudaha dalka Kenya, balse kororka qiimaha iyo guurka oo qaaliyoobaya...