ku saabsan

Waa website aad klala socon karto wararkii ugu dabeeyey iyo dacdooyinka maalin kasta

Sunday, January 28, 2018

eg Deg:- Dagaal mar kale maanta ka qarxay deegaanka Tukaraq.


-Wararka ay heleyso  ee ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka qarxay markale dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidamdo fara badan oo ku hubeysan hubka nuucyadiisa kala duwan iyo dabaa baadka dagaalka, ciidamadaas ayaa sida la sheegay waxaa hogaaminayay Maadxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C.xamiim Xaaji Cumar Camey.
Goob joogayaasha ayaa sidoo kala tilmaamay in deegaanka Tukaraq iyo deegaanada kale ee ka ag dhaw laga maqlaya dhawaq rasaasta, waxaana dadka deegaanka ay ka wal wal qabaan xiisada dagaal ee halkaas ka soo cusboonaantay.
Deeganka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa maalmihii danbe daganaa ayadoo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan labadaan dhinac.
Lasoco wixii ka soo kordho.

No comments:

Post a Comment

Warka cusub

Maxaa ka dhigay qiimaha meherka Soomaalida kan ugu sareeya qoowmiyadaha Bariga Afrika?

Waxaa jira walwal weyn oo laga qabo qiimaha kor u kacaya ee meherka ee gudaha dalka Kenya, balse kororka qiimaha iyo guurka oo qaaliyoobaya...