ku saabsan

Waa website aad klala socon karto wararkii ugu dabeeyey iyo dacdooyinka maalin kasta

Saturday, February 24, 2018

Turkiga oo ka digey go'aanka Maraykanka ee Qudus

Turkiga ayaa sheegaya in go'aanka Mareykanka uu safaarad cusub kaga furanayo magaalada Qudus ay micneheedu tahay in Washington ay ku tala gashay in ay wax yeeleeyso nabadda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in go'aankaasi uu ahaa mid walwal iyo carqalad ku abuuray heshiisyada u yaalla Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareeykanka ayaa jimcihii shaaca ka qaadday in ay fureeyso safaaraddan muranka badan dhalisay, waxayna siddo kale wasaaraddu sheegatay in furitaanka safaaradda ay ku soo beegeeyso toddobaatan guuradii ka soo wareegatay xilligii la aasaasay dalka Israa'iil.
Bishii Disembar ee la soo dhaafay Turkiga ayaa marti galiyay shir ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 dal halkaas oo ay hogaamiyeyaasha Islaamka ay ku cambaareeyeen go'aanka Washington ay ugu aqoonsatay in Qudus ay tahay caasimadda Israa'iil.

No comments:

Post a Comment

Warka cusub

Maxaa ka dhigay qiimaha meherka Soomaalida kan ugu sareeya qoowmiyadaha Bariga Afrika?

Waxaa jira walwal weyn oo laga qabo qiimaha kor u kacaya ee meherka ee gudaha dalka Kenya, balse kororka qiimaha iyo guurka oo qaaliyoobaya...