ku saabsan

Waa website aad klala socon karto wararkii ugu dabeeyey iyo dacdooyinka maalin kasta

Monday, February 12, 2018

Trump oo Israa’iil uga digay qabsashada dhulka Falastiiniyiinta


Lahaanshaha sawirka
AFP
Image caption
Trump iyo Natenyahu
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in deegaanmeynta ay Israel sameyneyso ay ka dhigtay hannaanka geedi socodka nabadda mid adag, isagoo ku booriyey in hannaanka ay dhawraan.
Sidoo kale, wuxuu u sheegay wargeys laga leeyahay Israel in aanu aamin saneyn in Palestinian-ta iyo Israel-ba ay dhab ka tahay oo ay diyaar u yihiin hirgelinta nabadda.
Madaxweyne Trump ayaa ka careysiiyey Palestiniyiinta bishii December ee lasoo dhaafey, ka gadaal markii uu u aqoonsadey Qudus caasimadda Israel.
Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay inuu hakin doono gargaarka haddaaney Palestinian-ta oggolaan wada hadalada. Hadalkan u danbeeyey ee hoggaamiyaha Mareykanka ayaa yimid kadib markii wareysi uu siiyey wargeyska muxaafidka ee Yisrael Hayom oo Israel laga leeyahay la daabacey axaddii.
Lahaanshaha sawirka
GETTY IMAGES
Image caption
Guryaha ay Israa'iil ka dhisayso dhulka reer Falastiin
Boaz Bismouth, oo ah tifaftiraha wargeyska mar uu weeydiiyey waxa Mareykanka ka yeelayo wada hadalada nabadda, Trump waxa uu yiri: "Waynu la soconeynaa waxa dhaca. Haatan Palestiniyiinta uma eka kuwo diyaar u ah ka qeyb qaadashada geedi socodka nanbadda, sidoo kale Israel iyaguna ma cada mowqifkooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin iney hannaanka nabadda ka qeyb qaataan, sidaa darted waxeynu dhawreynaa bal sida ay wax u dhacaan."
Mar wax laga weeydiiyey deegaameynta Israel waxa ay u dhibi karto qorshaha nabadda, wuxuu yiri: "Waan kala hadli doonnaa. Deegaan meynta waa wax mar waliba aad u adag, kol walbaba waxey murjiyaan geeddi socodka nabadda Bariga Dhexe, sidaa daraadeed Israel waa iney si addag uga feejignaataa arrinta deegaan meynta.
In ka badan 600 ,000 oo Yuhuuda ayaa ku nool illaa iyo 140 deegaano gaaraya, kuwaasoo la dhisay wixii ka danbeeyey 1967-dii, markii ay Israel xoog kula wareegtay Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus. Sharciga caalamiga waxa uu u aqoonsan yahay deegaan meynta la sameeyey xiligaas wixii ka danbeeyey sharci daro, inkastoo ay Israel dood addag galiso.
Qeyb kamid ah wareysiga oo la daabacey jimcihii ina dhaafey, ayuu Mudane Trump ku sheegay in u aqoonsashada caasimadda Israel ee magaalada Qudus ay u aheyd sanadka koowaad waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh.
"Waxey ila tahay in Qudus ay tahay arrin weyn oo muhiimaddeeda leh," ayuu yiri.
"Caasimadda, waa Quduse waa caasimad weyn, dad aad u badan ayey muhiim u tahay. Waxey aheyd yabooh aad muhiim u ah, waana ka dhabeeyey hirgalinta yaboohii aan soo gudbiyey," ayuu yiri.
Israel ayaa ku doodeysa in dhammaan magaalada ay u tahay caasimad, ha yeeshee Palestiniyiinta ayaa sidoo kale iyaguna doonaya in Bariga Qudus ay noqoto caasimaddooda, taasoo ay xoog ku qabsatey Israel dagaalkii Bariga Dhexe ee dhacey 1967-dii, iney noqoto caasimaddooda mustaqbalka ee dowladda Palestinian.
Madaxa Palestiniyiinta Madaxweyne Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in aanu wixii hadda ka danbeeya aqbali doonin kaalinta garwadeenimada ee dowladda Mareykanka, ka gadaal markii uu soo baxey go'aankii khilaafka weyn dhaliyey ee u aqoonsiga Mareykanka magaalada Qudus caasimadda Israel.
Dowladda Mareykanka ee fadhigeedu yahay magaalada Washiginton, ayaa sheegtay in ay ku wareejin doonto US $60m oo u dhiganta (£43m) qaab qorsheysan Jimciyadda Quruumaha Ka Dhaxeysa, laakiin ay dib u dhigi doonto US $60m illaa iyo inta is badal laga sameynayo.

No comments:

Post a Comment

Warka cusub

Maxaa ka dhigay qiimaha meherka Soomaalida kan ugu sareeya qoowmiyadaha Bariga Afrika?

Waxaa jira walwal weyn oo laga qabo qiimaha kor u kacaya ee meherka ee gudaha dalka Kenya, balse kororka qiimaha iyo guurka oo qaaliyoobaya...